Shil Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Garoowe

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada garoowe caasimada maamulka puntland

shirkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii gaari nooca dad weynaha qaarada ah uu ku rogmaday duleedka magaalada garoowe

waxaana la sheegay in shilkaan gaari uu ka dhashay  khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Taliyaha ilaalada wadooyinka  gobolka nugaal  ayaa waxa uu ka warbixiayay khasaaraha ka dhashay shilka

waxaana uu sheegay in 10 qofood oo rag iyo dumarba iskugu jira ay ku geeriyoodeen shilkaasi islamarkaasna shan qof oo kale  ay ku dhaawacmeen

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen mid darawalkii gaariga ka xeybayay oo goobta ka baxsaday shilka  kadib

sidookale waxa uu dagniin culus u diray darawalada gawaariga ku kaxeyada deegaanada puntland isagoo sheegay in talaabo laga qaadayo dadka si xowliga ah gawaarida ku wada

shilkaan ayaa waxa uu imaanaya xili mudooyinkii dambe ay magaalada garoowe kusoo badanayeen shilalka gaari islamarkkaasna galinkii maalinkii jimcaha aheyd uu ka dhacay shil qasaare geystay shilkaasi oo ku dhacay gaari uu la socday fananka da,ada yar ee sharma boy

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here