Ciidanka Danab Oo Howlgalo Ka Dhan ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Gobolka Jubada hoose

Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay kumaandooska xoogga dalka danab ka sameeyay gobolka jubada hoose.

Howlgalka oo ujeedkiisu ahaa sidii dagaalamayaasha  Al-shabaab looga saarilahaa deegaanada jubbooyinka

Waxaana dowladdu ay sheegtay in  ciidanku ay ku guuleeysteen  bur-burinta goobihii ay ku sugnaayeen al-shabaab

Sidookale ciidanka waxaa ay ku guuleeysteen inay wadooyinka kasoo saaraan 5 miino oo al-shabaab wadooyinka ku aaseen kuwaasi oo ay doonayeen inay kudhibaateeyaan  ciidamada dowladda iyo shacabka  soomaaliyeed ee aan waxba kagalabsan.

Howlgalka ayey Ciidanka Kumandooska Danab Ka fuliyeen  Tulooyinka Shabac,  Xarxaarka,  Gaabo_gabdhoole,  Labikuus, ee gobolka Jubada hoose iyadoo intii howlgalka ay kugudajireen  gurmad caafimaad u fidiyay dadka   Shacabka ah   sida lagu sheegay warkasoo baxay dowladda

 

Sidookale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa intaasi ku dareen in ay howlgaladaan ay kaga hortagayeen lago al-shabaab dadka shacabka ah ka qaadayeen

Ciidanka xoogga dalka ayaa gobolada dalka kawada howlgalo lagu lagu dagaalamayo al-shabaab

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top