Faah Faahin dheerad ayaa kasoo baxeeyso howlgalo ciidanka xoogga dalka Soomaalieed ay saacaadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Howlgadadaan ayaa waxa ay ka dheceen Degaanka Galka Xarareeey, ee Gobolka Shabeaha dhexe ayay
Waxaana uu yimid howlgalku kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerar kuqaadeen fariisimo ay halkaasi kulahaayeen xubno dagaaalamayaasha Al-shabaab
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu sheegay in howlagaladii dhacay deegaanka xarareey ay ciidamada dowladdu uu guulo farabadan ka gaareen
Isagoo sheegay in halkaasi lagu dilay 37-xubnood islamarkaasna ay ku dhaawaceen in kabadan 20 dagaalamae sidookale ay nolosha lagu qabtay laba xubnood
Dowladda ayaa sidookale sheegtay in howgalka ay ku dileen sarkaalkii al-shabaab uqaabilsanaa maxkamadaha gobolka shabeelaha dhexe iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo (Macalin Yuusuf)
sidookale waxa ay sheegeen in waxyeelada al-shabaab ku gaarsiiyeen howlgalka ay intaasi ka badan badanyihii islamarkaasna ay dib kasoo gudbindoonaan.

