Ciidamada dowladda faderaalka soomaaliya oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaasi ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsanaa al-shabaab
Kadib howlgalada ayaa waxa ay yimaadeen kadib markii ciidamada dowladdu ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo dagaalamayaasha al-shabaab ay kulahaayeen Degaanka Gal-labashiir, ee Gobolka Shabeelaha dhexe
Waxaana Halkaasi dagaal qarar uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubniihii ka tirsanaa al-shabaab ee la weeraray
Dowladda faderaalka ah ayaa guulo ka sheegatay dagaalkaasi ,waxaana ay sheegtay in ay ku dileen 15-xubnood oo iskugu jira horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsanaa al-shabaab
sidookale dowladdu waxa ay intaasi ku dartay in ay dagaalka ku dhaawaceen in kabadan 20 dagaalyahan oo ka tirsanaa al-shabaab
Taliyaha ciidanka xooga oo ku sugan deegaanada ay dagaaladu ka dhacayeen saacadiihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in hub iyo saanadkale ay ciidamada dowladdu uga furteen al-shabaab

