Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada dowladda Oo Qarax Muqdisho Lagu La Eegtay ka Badbaaday

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Barta-Control ee laga ilaaliyo wadada aada dhinaca garoonka Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa miinadda dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaarui uu la socday Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda booliska Dowladda Soomaaliya, oo lagu magacaabo Maxamed Daahir,waxaana la sheegay in uu ka badbaaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaaawacmay hal askari oo kamid ah ilaaladda Sarkaalka,waxaana la sheegay in uusan jirin khasaare kale oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa agagarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

G/Sare Maxamed Daahir ayaa horay taliye uga soo noqday qeybaha Saldhig Galbeed, Wiyow Cadde iyo Saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin qaraxaas caawa ka dhacay Muqdisho, ee lagu bartilmaameedsaday saraalkan ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dhanka kale Al-shabaab ayaan wali ka hadlin qaraxii xalay ka dhacay Magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here