Waxaa daqiiqado kadib lagu wadaa in uu si rasmi ah u bilowdo imtixaanka shahaadi ah oo dowladda faderaalka soomaaliya ay ka qaadeyso ardayda soomaaliyeed
Wasaarada waxbarashada xukuumada soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in saakay imtixaanka ay u fadhiisanayaan arday gaareysa 42 ,000 ( afartan iyo laba kun )
Waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada caasimada ah ee muqdisho
Goobaha ardaydu ku galayaan imtixaanka ayaa waxaa la geeyay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda kuwaasi oo sugaya amaanka goobaha loo cayimay in imtixaanka lagu galayo oo gaaraya in kabadan 70 xaromood
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa ardayda ugu baaqay inay si kalsooni leh ku galaan Imtixaanka, isagoo u rajeeyey inay guuleystaan.
Imtixaanka dowladdu ayaa sanadkaan qaadeyso ayaa noqonaya kii 7 aad kadib markii dowladdu ay dib u bilowday qaadida imtixaanka shahaadiga ah sanadkii 2014 xiligii ay jirtay dowladii xasan sheikh maxamuud
Waxaa jirta shacabashooyin farabadan oo laga muujiyay imtixaankii dowladdu ay qaaday sanadkii hore kadib markii ay dheceen ardaydii ugu badneyd ee gobolka banaadir

