Waxaa Teendhada afisiyooni haatan ka soconaya diyaargarowga xaflada lagu soo xirayo shirkii watatashiga arimaha doorashooyinka oo magaalada muqdisho todobaadkaan ka socday islamarkaasna lagu lafagurayay arimaha doorashooyinka
Shirkaan oo uu garwadeen ka ahaa ra’iisul wasaare rooble ayaa waxaa laga gaaray heshiis ku saabsan arimaha cakiran ee doorashooyinka
shirka waxa kaloo ka qeyb galay madaxweynayaasha maamul goboleedyada shanta ah sida puntland saciid cabdulahi dani ,koonfur galbeed cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen ,galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor ,hirshabeele cali cabdulaahi xuseen Guudlaawe,jubbaland Axmed maxamad islaam madoobe iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir Cumar Maxamed maxanuud Filish
Waxaana hada socda abaabulka munaasabada lagu soo xirayo shirka taas oo lagu shaacinayo warmurtiyeedka kasoobaxay shirkii muqdisho ka dhacay
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in gabagabada shirka ay ka qeyb galayaan madaxweyne maxamed cabdulahi farmaajo xubnaha midowga musharaxiinta iyo qeybo matalaya bulshada rayadka ah
Guddi saxiixayaal ah ayaa sidookale munaasabada ka qeyb galaya kuwaas oo 7 xubnood ka kooban islamarkaasna xalinaya qodobadii lagu heshiiyay ee soo laabta ama cabsho laga keeno
Wali waxaa muuqata in uu khilaaf ka jiro qodobada shirka looga hadlay taas oo ay qeyb ka tahay arinta gobolada waqooyi
Daqiiqado kadib ayaa si toos ah ay u bilaabaneysa xaflada iyadoo lagu balansanyahay in ay bilaabato 11:00Am
Isha ayaana lagu wada haya waxa shirkaasi kasoo bixidoona oo go,aaminaya doorashada dalka ka dhaceysa

