Munaasabada Lagu Soo Xirayo Shirka Wadatashiga Oo Goordhaw Bilaabaneysa

0

Waxaa Teendhada afisiyooni haatan ka soconaya diyaargarowga xaflada lagu soo xirayo shirkii watatashiga arimaha doorashooyinka oo magaalada muqdisho todobaadkaan ka socday islamarkaasna lagu lafagurayay arimaha doorashooyinka

Shirkaan oo uu garwadeen ka ahaa ra’iisul wasaare rooble ayaa waxaa laga gaaray heshiis ku saabsan arimaha cakiran ee doorashooyinka

shirka waxa kaloo ka qeyb galay madaxweynayaasha maamul goboleedyada shanta ah sida puntland  saciid cabdulahi dani ,koonfur galbeed  cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen ,galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor ,hirshabeele cali cabdulaahi xuseen Guudlaawe,jubbaland Axmed maxamad islaam madoobe iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir Cumar Maxamed maxanuud Filish

Waxaana hada socda abaabulka munaasabada lagu soo xirayo shirka taas oo lagu shaacinayo warmurtiyeedka kasoobaxay shirkii muqdisho ka dhacay

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in gabagabada shirka  ay ka qeyb galayaan madaxweyne maxamed cabdulahi farmaajo xubnaha midowga musharaxiinta iyo qeybo matalaya bulshada rayadka ah

Guddi saxiixayaal ah ayaa sidookale munaasabada ka qeyb galaya kuwaas oo 7 xubnood ka kooban islamarkaasna xalinaya qodobadii lagu heshiiyay ee soo laabta ama cabsho laga keeno

Wali waxaa muuqata in uu khilaaf ka jiro qodobada shirka looga hadlay taas oo ay qeyb ka tahay arinta gobolada waqooyi

Daqiiqado kadib ayaa si toos ah ay u bilaabaneysa xaflada iyadoo lagu balansanyahay in ay bilaabato 11:00Am

Isha ayaana lagu wada haya waxa shirkaasi kasoo bixidoona oo go,aaminaya doorashada dalka ka dhaceysa

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here