Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan geystay oo ciidamo ka tirsan dowladda lagu beegsaday deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe
wararka ayaana sheegaya in ciidamada la weeray ay ahayeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidanka xooga dalka odawaa yuusuf raage
weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab saacadiihii lasoo dhaafay ay dagaal toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo uu ku sugnaa taliyaha ciidanka xooga Generaal odawa
khasaare kala gadisan oo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in weerarkaan uu ka dhashay
waxaana la sheegay in weerarkaasi lagu dilay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda ee la weeraray
Dhanka kale al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lagu qaaday ciidamada dowladda
Waxaana ay wararka barahooda dhinaca interneetka ku baahiyaan ay ku sheegteen in weerar culusoo ay la beegsadeen kolanyo uu la socda taliyaha ciidanka xooga generaal Odowaa yuusuf ay qasaare xoogleh ku gaarsiiyeen iyaga oo tilmaamay in weerarka oo ahaa mid toos ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Raage ceelle ee gobolka Shabeelada dhexe.
Al-shabaab ayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaan uu yahay dhimashada labo askari afar kalane oo ciidamada dowladda ka mid ahaa
Shalay ayay aheyd markii al-shabaab guulo ka sheegteen weerar qarax oo ay la eegteen kolonyo uu la socday taliayaha ciidanka xooga
Waxaana ay sheegeen al-shabaab in Isugu geynta dhimashada iyo dhaawaca ee qaraxii shalay iyo dagaalkii saacado ka hor ay ku qaadeen ciidanka dowladda uu yahay afar dhimasho ah iyo sideed dhaawacyo ah.

