Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay Weerar khasaare geeystay oo saacadiihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaan Hoosyimada magaalada dhuusamareeb ee xaunta maamulkaasi Galmudug
Weerarkaan ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay ku lahaayeen deegaanka xaayow ee magaalada Dhuusamareeb
Waxaana Weerarkaan oo khasaare kala duwan geystay la sheegay in lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa daraawiista dowlad goboleedka galmudug
Al-shabaab Warar ay baraha dhinaca interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen masuuliyada weerarka lagu dilay ciidamada galmudug ee ka dhacay deegaan u dhaw Dhuusamareeb
Waxaana ay shaaciyeen tirada askarta weerarkaas lagu dilay iyobmagacyadooda
Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka xaayow ay ku dileen ilaa iyo sadax askari oo ka mid ahaa ciidamada maamulka galmudug iyadoona magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Cali Geedi , Salaam Shire nuure marayare iyo Cabdi Abdulaahi Jaamac
Al-shabaab ayaa xiliyada qaar weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah labeegsada ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa maamulka galmudug iyadoona ay xusid mudatahay in al-shabaab iyo ciidamada Dowladduba ay guulo dhowr ah ka kala dheegteen howlgalo iyo weeraro ka dhacay deegaanada galmudug

