Ciidamada Amaanka Puntland Iyo Galmudug Oo Howlgalo Wadajir ah Ka Fuliyay Gaalkacyo

0

Warar aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay ciidamada booliska maamulada Galmudug iyo puntland ay howlgalo si wada jir ah uga fuliyeen xaafado ka tirsan magaalada gaalkayo

Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay ahayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayay islamarkaasna ay iska kaashanayeen booliska labada dhinaca

waxaana si gaar ah howlgalada looga fuliyay waqooyiga iyo koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug

saraakiisha ciidamada labada mamaul ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaan  ay yimaadeen kadib markii mudooyinkii dambe magaalada ay kusoo bateen fallalka amni daro

waxaana la tilmaamay in howlgaladaan lagu soo qabqabtay dad aad u farabadan kuwaasi oo looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen falalka amnidaro ee ka dhacayay magaalada gaalkacyo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here