Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaa in saacadiihii lasoo dhaafay ay weerar qorshaysan ka fuliyeen Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya
Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in lagu qaaday guri uu daganaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada kenya
Waxaana la tilmaamay in sarkaal kaas oo lagu magacaabo nuur Jabriil uu xiliga uu weerarku dhacayay ka maqnaa gurigiisa islamarkaasna uu joogay wiil uu dhalay
Dagaalamayaasha al-shabaab ayaa halkaasi ku dilay wiilkii uu dhalay sarkaalku iyagoona intaasi kadib goobta iskaga baxsaday
Ciidamada Kenya haatan waxa la sheegay in ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadigoobayaan
Ragii hubeysnaa weerarka ku qaaday guriga sarkaalka kenyaan ka ah
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro labeegsada fariisimaha ciidamada kenya iyadoona goona weeraro hore oo ay ka fuliyeen xuduudka kenya iyo Soomaaliya guulo ka sheegtay

