Dowladda faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in heeshiis galaraaray shirka watashiga arimaha doorashooyinka ee ka socday muqdisho
Shirka ayaa waxa uu ahaa mid mudooyinkii dambe ka soconayay balse qodobo dhowr ah laisku mari la,aa
Wasiiraka arimaha dibada xukkumada soomaaliya maxamed cabdirisaaq ayaa waxaa uu sheegay in madaxda ku shiraysa afisiyooni in ay heshiis ay ka gaareen doorashada dalka ka dhacaysa
Waxaana la tilmaamay in qodobada ugu adag ee laga heshiiyay ay ka mid ah yihiin arinta gobolada waqooyi ,gobolka gedo iyo In dhamaan la kala diro guddiyadii Doorashada lana soo magacaabo guddi cusub arinta gobolka banaadir
Xildhibaanada gobolada waqooyi arintooda ayaa waxa ku kala qeybsamay raiisul wasaare ku xigeenka dalka iyo gudoomiyaha aqalka sare
Waxaana hada la sheegay in Isfahan laga gaaray
Sidookale arinta gobolka Gedo ayaa laga gaaray heshiis ku saabsan isfahamkii Baydhabo ee February 15-16kii lagu gaareen xubnihii matalayay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyda dalka
Sikale hadii loo dhigana waxa ay noqoneysaa in Madaxwynaha Jubbaland uu soo magacaabo Gudoomiyaha Garbarahey, guddiga daaraahadana uu yahay midka uu soo magacaabii doono isla Axmed Madoobe, amaankana ay sugidoonan ciidamada Boolis ah iyo Amisom.
Arinta Jubbaland, Waxaa si gaar ah uga shaqayn doona Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddiyo gaar ah u xilsaari doono sida la tilmaamay
Qodobada kale uu lagu heshiiyay wax aka mid ah in aan la siyaasadeyn hantida qaranka ama aan olale doorasho lagu galin
Shirka kasoconaya muqdisho ayaa waxa la sheegay in bari oo khamiis ah loo xirayo oo ay ka qeyb galin doonan midowga musharaxiinta bulshada rayadka ah iyo madaxweyne farmaajo
Waxaana dowladdu ay sheegtay in warmurtoiyeed ku saabsan arimaha doorashiiyinka in laga soo saari doono shirka

