Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheeysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay Degaano katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe iyadoona la tilmaamay in ciiamada dowladda ay wali wadaan howlgaladaasi

Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka waxeey ku gaareen Deganada War dhagax, war ciise, gaal leef, qoor dheere, jilable iyo Cali Fooldheere,Halkaasi oo fariisimo u aheyd dagaalamayaasha al-shabaab.

Afhayeenk Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa warbaahinta dowladda usheegay in xubnihii ka tirsanaa al-shabaab ay isakaga carreen degaanada qaar wuxuu intaas kudaray inuu jiro qasaare xoogan gaarsiiyeen  islamarkaasna ay dib  kasoo sheegi doonaan

ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe kordhiayay howlgalada ay ka fulinayaan deegaanada shabeelooyinka ,waxaana xusid mudan in dagaalo iska hor,imaad khasaare geeystay uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here