waxaa xalay magaalada muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay xubno ka tirsan midowga musharaxiinta iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ka jira
waxaana kulan looga wadada hadlay arimo kusaabsan xaalada kala guurka ah ee dalku uu ku jiro iyo shirka magaalada muqdisho uga socda madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka
Madaxweynihii hore dalka sheikh shariif sheikh axmed oo hada ah gudoomiyaha midowga musharaxiinta ayaa kulanka horboodayay , waxaana ay la kulmeen madaxweynayaasha koonfur galbeed iyo hirshabeele
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa la tilmaamay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada uu la wadaagay sida xubnha midowga musharaxiinta ay u daneynayaan ka qeyb galka shirka ka socda teendhada afisiyooni ee lagu xalinayo arimaha doorashooyinka
sidookale xubnaha midowga musharaxiinta ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan xal u helida arimaha cakin ee doorashooyinka iyo in laga heshiiyo arimaha doorashooyinka
kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili wali uu magaalada muqdisho ka socdo shirka udhexeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka shirkaas oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka

