Weeraro Khasaare Geystay Oo Dhacay Muqdisho iyo Beydhabo

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaare  geystay oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka muqdisho iyo beydhabo oo ka kala tirsan gobolkani banaadir iyo gobolka bay

weerarka koowaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada kaxda ee muqdisho kadib markii la sheegay in rag hubeysan ay weerar bamba gacmeed ah kusoo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada kaxda ee muqdisho

dadka deegaanka ee ku dhaqan kaxda ayaa sheegayaan in ay maqlayeen dhawaqa rasasta xoogan oo labada dhinac ay iswerdaarsanayeen balse aysan sheegi karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaani

wali majirto wax wara oo kasoo baxay maamulka degmada kaxda oo xalay weerarkaan uu ka dhacay mana jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkaab balse warar madax banan ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha  al-shabaab ay ahaayeen ragii xalay bamba gacmeedka ku weerar saldhiga ciidamada booliska ee degmada kaxda

wararka

dhankale  weerarka labaad ayaa waxa uu ka dhacay magaalada beydhabo gaar ahaana barkoontarool oo  ciidamada maamulka koonfur galbeed ay ku lahaayeen halkaasi

weerrakaan waxaa la sheegay in uu ahaa bambooyin lagu weerar bartakoontarool oo ciidamada booliska koonfur galbeed

wararka ayaana sheegaya in weerarkaan uu ka dhashay  Khasaare kala duwan oo  iskugu dhimasho dhaawac iyadoona uu weerarku  ka dhacay barkoontarool oo lagu magacaabo boqoleyda islamarkaasna ku taal magaalada beydhabo

inta la xaqiijiyay labo qofood oo shacab ah ayaa weerarkaani ku dhintay

wararka aan helayno ayaana intaasi ku daraya inhaatan ciidamada maamulka koonfur galbeed ay howlgalo iyo baaritaano kala duwan ay ka wadaan magaalada beydhabo oo ay ku baadigoobayaan ragii weerarkaasi ka dambeeyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here