XFS oo Beenisay in Qodobo Lagu Heshiiyay Shirka Wadatashiga Doorashooyinka

0

Shirka Wadatashiga Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Maamul goboleedyadda iyo Gobolka banaadir ayaa maanta maalintii labaad ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in dhinacyadda shirka ka qeyb galaya ee Dowladd Dhexe iyo Maamul goboleedyadda ay ka heshiiyeen caqabadihii hareeyay shirka ee arrimaha doorashooyinka,islamarkaana heshiis la gaaray maalintii koowaad ee shirka.

Balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warka ku aadan in dhinacyadda shirka ka qeyb galaya ay gaareen heshiis horudhac ah.

Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa beeniyay warar soo baxayay maanta oo ah in heshiis hordhac ah laga gaaray shirka.

Maxamed Ibraahin Macalimu ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ugaga hadlay kulankii maanta uga furmay magaalada Muqdisho Dowlada Federalka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn.

Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa.”ayuu ku daabacay bartiisa afhayeenka xukuumada.

Dhanka kale a’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoomiyay shirka Madasha Qaran ayaa ku tilmaamay inuu ahaa kulankii maanta mid wanaagsan.

Qoraal kooban uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ra’isul Wasaaruhu uga mahadceliyay madaxdii ka qeybgashay kulankii maanta.

“Waxaa si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda. Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here