Shirka Wadatashiga Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Maamul goboleedyadda iyo Gobolka banaadir ayaa maanta maalintii labaad ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.
Shirka oo shalay furmay waxaa shir gudoominayay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Maamuladda Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Puntland, Jubbland, iyo Gobolka banaadir.
Dhinacyadda shirka ka qeyblaya ayaa kawada hadlay arrimaha shirka quseeya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo caqabad ay ka taagneyd mudooyinkii dambe.
Amaanka Magaaladda muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga sugaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

