Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0

Kooxo burcad koonfur afrikaan ayaa waxa ay xalay wiil soomaaliyeed oo ka mid ah muwaadiniinta soomaaliyeed eek u  ganacsata dalka koonfur afrikaay ku dileen  Degaanka Durbanville Ee Magaalada Cape Town

Allaha u naxariistee, marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Caajis,waxaana la tilmaamay in marxuunka oo gobtiisa shaqo ku jira ay u yimaadeen rag burcad ah oo hubeysan islamarkaasna ay rasaas ku fureen marxuunka  .

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in muwaadinka soomaaliyeed dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa taasina ay keentay in isla goobta uu ku geeriyooda wilkaasi soomaaliga ahaa

Ilaa iyo hada ma oga sabab loo dilay marxuunka balse waxa la sheegay in burcadu  ay ku dhufteen ilaa 10 xabadood Marxuunka

Intaasi kadib waxa la sheegay in ragii Burcada  ahaa ee dilka geystay goobta uu falka ka dhacay  ay iskaga baxsataydeen

Ciidamada booliska koonfur afrika ayaa meydka goobta ka qaaday si baaritaan loogu sameeyo

Waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgalo ay ku baadogoobayaan ragii burcada koonfur afrikaanka ahaa ee ka dambeeyay dilka marxuunkaasi soomaaliyeed

Mudooyinkii dambe waxaa dalka koonfur afrika kusoo badanayay dilalka loo geysnayo muwaadiniinta soomaaliyeed

Waxaana todobaadkaan ina dhaafay gudihiisa koonfur afrika lagu dilay ilaa iyo inka badan 6 muwaadin kuwaasi oo kamid ahaa ganacsatada soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi  koonfur afrika

Dowladda koonfur afrika waxa ay sheegtay in ay wax ka qabanayso burcada dilalka u geysnaya muwaadiniinta soomaaliyeed

Waxaana jirtay in dowladdu ay soo bandhigtay rag la sheegay in ay burcadaas ka mid ahaayeen oo gacanta ay ku dhigtay balse wali waxaa sii kordhaya dilal loo geeysanayo muwaadiniinta soomaalida ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here