Wasaaradda Arrimaha Gudaha, DFS oo war kasoo Saartay Dagaalka Gobolka Hiiraan

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka tirsan Degmada Beladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Madaxda Wasaaraddu ayaa boorisay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhallinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here