Kooxo burcad koonfur afrikaan ayaa waxa ay xalay wiil soomaaliyeed oo ka mid ah muwaadiniinta soomaaliyeed eek u ganacsata dalka koonfur afrikaay ku dileen Degaanka Durbanville Ee Magaalada Cape Town
Allaha u naxariistee, marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Caajis,waxaana la tilmaamay in marxuunka oo gobtiisa shaqo ku jira ay u yimaadeen rag burcad ah oo hubeysan islamarkaasna ay rasaas ku fureen marxuunka .
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in muwaadinka soomaaliyeed dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa taasina ay keentay in isla goobta uu ku geeriyooda wilkaasi soomaaliga ahaa
Ilaa iyo hada ma oga sabab loo dilay marxuunka balse waxa la sheegay in burcadu ay ku dhufteen ilaa 10 xabadood Marxuunka
Intaasi kadib waxa la sheegay in ragii Burcada ahaa ee dilka geystay goobta uu falka ka dhacay ay iskaga baxsataydeen
Ciidamada booliska koonfur afrika ayaa meydka goobta ka qaaday si baaritaan loogu sameeyo
Waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgalo ay ku baadogoobayaan ragii burcada koonfur afrikaanka ahaa ee ka dambeeyay dilka marxuunkaasi soomaaliyeed
Mudooyinkii dambe waxaa dalka koonfur afrika kusoo badanayay dilalka loo geysnayo muwaadiniinta soomaaliyeed
Waxaana todobaadkaan ina dhaafay gudihiisa koonfur afrika lagu dilay ilaa iyo inka badan 6 muwaadin kuwaasi oo kamid ahaa ganacsatada soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi koonfur afrika
Dowladda koonfur afrika waxa ay sheegtay in ay wax ka qabanayso burcada dilalka u geysnaya muwaadiniinta soomaaliyeed
Waxaana jirtay in dowladdu ay soo bandhigtay rag la sheegay in ay burcadaas ka mid ahaayeen oo gacanta ay ku dhigtay balse wali waxaa sii kordhaya dilal loo geeysanayo muwaadiniinta soomaalida ah

