Shirka wadatashiaga ah oo ayb yeelanayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalda iyo madaxda dowladda oo maanta oo khamiis ah lagu wado in uu ka furmo ayaa qarka hada u saaray in uu dib uga dhaco waqtigii lagu balamay
Sababta u dib u dhaca ku keeneysa ayaa waxa ay tahay in Qaarka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada aysan wali soo gaarin magaalada muqdisho
Waxaana la tilmamaay in la doonayay masuuliyiintu ay waqti hore yimaadaan si shirku uu u furmo waqtiga rasmiga ah oo maanta ah
Xukuumada soomaaliya oo ka hadashay shirkaan ayaa waxa ay sheegay in shirka u diyaar garowgiisa uu socdo ay ayna kaliya sugayaan wufuuda ka qeyb galeysa shirka oo goordhw kusoo wajahan
Afhayeenka xukuumada xilgaarsiinta maxamed ibraahim macalimow oo BBc lahadlay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in shirka uu maantay furmayo wax baaqasho ahna aysan jirin
Waxaa uu intaasi ku daray in kada ay wadaan kulamo hordhac u ah shirka oo looga hadlayo qaabka uu u furmayo shirka
Madaxweyne qoor qoor kaliya ayaa haatan muqdisho soo gaaray iydoo ay madaxweynayaasha kale ee maamul goboleedyada aysan imaan
Waxaana cabsi badan laga muujinayaan in shirka uu baaqdo ama dib u dhac uu ku yimaado

