Diyaaradaha dagaalka Ee yahuuda ayaa saakay markale duqeymo culus Ka Geeystay Qaza iyadoona Lasoo warinayo In Duqeymahaasi ay ka dhasheen qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
waxaana lasoo warinayaan in duqeynaha yahuudu ay qaza ka fulisay ay ku dhinteen ilaa iyo sadax qofood
duqeymahaan ayaa lala beegsaday sida la tilmaamay goob dhulka falastiin ah oo uu ku sugnaa xubin ka tirsan ururka xamaas
Raiisul wasaaraha israaiil oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in duqeymaha ay sii wadayaan tan iyo inta laga xaqiijinayo in la joojiyo duqeymaha lala beegsanayo israa’iil
waxaana uu sheegay in duqeymaha ay geysanayaan uu yahay mid jawaab ah oo mar walbana ay joojin doonin in ay ka jawaabaan duqeymaha lala beegsanayo talaabiib

