Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Saraakiishii Ku Geeriyootay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

0

Dowladda faderaalka soomaaliya ayaa maanta waxa ay aas qaran usameysay saraakiil ka tirsanaa ciidanka booliska soomaaliya oo xalay lagu qarax isnuudaamin ah oo ka dhacay saldhiga degmada waabari ee gobolka banaadir

Saraakiisha aaska lo sameeyay maantay waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariisto taliyahii saldhiga Booliska Degmada Waaberi Axmed sheikh abdulaahi baashane  iyo Taliye xigeenkii Qeybta Waliyow cadde cabdibaasid cageey

Waxaana saraakiishaan aaska qaran loogu sameeyay isbitaalka xooga dalka  ee magaalada muqdisho

Aaska Saraakiisha waxa la qeyb galay masuuliyiin ka tirsan taliska ciidanka booliska soomaaliya qaarka mid ah ehelada marxuumiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Masuuliyiinta ayaa horay uga tacsiyadeeyay geerida saraakiishaan waxaana ay tilmaameen in gacan ka xaqdaran ay dishay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran

Waxaana ay alle uga  baryeen in janadiisa uu ku abaal mariyo murxuuntaan

Sikastaba xalayay ayay aheyd markii  qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore saldhiga degmada waabari

Waxaana masuuliyada qaraxaasi oo ay ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda sheegtay al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here