Dowladda faderaalka soomaaliya ayaa maanta waxa ay aas qaran usameysay saraakiil ka tirsanaa ciidanka booliska soomaaliya oo xalay lagu qarax isnuudaamin ah oo ka dhacay saldhiga degmada waabari ee gobolka banaadir
Saraakiisha aaska lo sameeyay maantay waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariisto taliyahii saldhiga Booliska Degmada Waaberi Axmed sheikh abdulaahi baashane iyo Taliye xigeenkii Qeybta Waliyow cadde cabdibaasid cageey
Waxaana saraakiishaan aaska qaran loogu sameeyay isbitaalka xooga dalka ee magaalada muqdisho
Aaska Saraakiisha waxa la qeyb galay masuuliyiin ka tirsan taliska ciidanka booliska soomaaliya qaarka mid ah ehelada marxuumiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
Masuuliyiinta ayaa horay uga tacsiyadeeyay geerida saraakiishaan waxaana ay tilmaameen in gacan ka xaqdaran ay dishay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran
Waxaana ay alle uga baryeen in janadiisa uu ku abaal mariyo murxuuntaan
Sikastaba xalayay ayay aheyd markii qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore saldhiga degmada waabari
Waxaana masuuliyada qaraxaasi oo ay ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda sheegtay al-shabaab

