Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.
Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ay howkgakadaan oo ahaa kuwa qorsheysan waxa ay ka fukiyeen deegaano ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan al-shabaab
saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay guulo ka sheegteen howlgalada ka dhacay gobolka hiiraan
Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab howlgalkaani oo ka dhacay Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah al-shabaab ka waday deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

