Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Cambaareyey Qaraxii xalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Cambaareyey Qaraxii  xalay  fiidkii ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.

Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan. ayuu yiri Raiisul wasaare roobe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here