Taliska Ciidanka Booliska Oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa laga helaya qarax qasaare badan geeystan oo xalay fiidkii ka dhacay saldhiga degmada waabari  gaar ahaana agagaarka isgooska dabka

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo isku qaraxiyay afaafka hore ee saldhiga degmada waabari

Waxaana qaraxa uu geeystay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Inta la xaqiijiayay waxa qaraha ku geeriyootay 6 ruux oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay iyadoo 6 qof oo kalana la sheegay in ay ku dhaawacmeen

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa Taliyihii saldhiga degmada waabari Axmed baashane oo loo garan ogaa Taliye calooley

Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid Maxamud Cageey oo kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Waxaa kaloo qarax ku geeiyooday askar ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo qof shacab ahaa oo daris la ahaa saldhiga degmada waabari ee qaraxa  lagu  weeraray

Taliska Booliska Soomaaliya sadiiq aadan toodisho  ayaa waxa uu sheegay in  dhimashada 6 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Saraakiil Sarsare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xalay lagu qaaday Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi.

Waxaana ay sheegteen in qasaare xoogleh ay ku gaarsiiyeen dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here