Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay In Ay Ka laabatay Kiiska Badda Ee Kala Dhexeeyay kenya

0

Raiisul wasaare ku xigeenka dalka mahdi maxamed guuleed qadar ayaa waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in soomaaliya ay ka laabatay  kiiska dacwada badda ee ay ka gudbisa7y dowladda kenya

waxaana raiisul wasaare ku xigeenka dalku uu sheegay in dacwadu ay taalo maxakamada ICj islamarkaasna la dhageystay dacwadooda  oo kaliya ay sugayaan in maxkamadu ay go,aan ka soo gaarto

wax laga noqdayna aysan jirin

Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi Mahdi Guuleed oo Qoraal kooban soo dhigay bartiis Twitter-ka.

khamiistii todobaadkii inadhaafay dowladda soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii dibloomaasiyadeed ee ay lalaheyd kenya waxaana intaasi kadib wax laiska weydiiyay kiiska badada iyadoo dowladdu ay tilmaantay in labo ay kala yihiin oo arinta baddu ay gaar tahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here