Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan Taliye ku Xiggeenka iyo Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.
arintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysa xili dhawaan ay heshiis taariikh ah gaareen xubnaha musharaxiinta iyo xukuumada uu hogaamiyo ra,iisul wasaare rooble
iyadoona ay xusid mudan in ciidamadii kasoo horjeeday dowladda laga saaray muqdisho kadib heshiis kaasi
waxaana hada ay musharaxiintu ay dowladda la wadaagayaan si ugu macaquulsan ee lagu sugayo amnigooda marka la gaaro doorashada

