Dhageysiga Dacwada Raga Loo Heysto Dilka Gudoomihii Hodan Oo Maantay Dib Ubilaabatay

0

waxaa maantay marakle si rasmi ah u bilaabatay dhageysiga maxkamadeynta raga loo heysto dilkii gudoomiyihii degtmada hodan cabdiraxiin dhaga juun

Dilka gudoomiyihii degmada hodan ayaa waxa loo heystaa 8 eedeysane oo uu mid maqanyahay ,waxaana dhageysiga maxkamada uusoo bilowday 24 kii abriil iyadoona maantayna loo fadhiistay fadhigii labaad

Gudoomiyaha darajada koowaad ee madaxkamada ciidamada qalabka sida  gaashaanle xasan cali nuur shuute oo isagu furay dhageysiga maxkamada ayaa waxa uu sheegay in fadhiga uu furanyahay maalintii labaadna la dhageysanayo kiiska si uu cadaalad u helo dhaga juun  islamarkaasna  dhinacyada loo baahanyahay in ay soo bandhigaan eedeeymaha iyo garnaqsi ay qabaan

xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida  cabdulaahi buulo kameey ayaa dhankiisa maxkamada horkeenay cadeymo ay hayaan oo ku saabsan kiiska

sidookale baaraha kiiska ayaa dhankiisa sheegay in baaritaano dheeri ah ay sameeyeen isla,markaasna ay maxkamada horkeenayaan

maxakamada ayaa dhageysiga kadib waxa ay siideysay laba eedeeysane ku waas oo la sheegay in aysan wax lug ah ku yeelan kiiska dilka dhaga juun

bilowgii sanaadkaan ayaa waxa alaha unaxariistee gudoomiyihii hore degmada hodan cabdiraxiin dhajuun ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dileen agagaarka isgooska howlwadaag

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here