Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u bilaabi doonto darbiga ay ka dhsayso xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya kaas oo la joojiyay sanad ka hor kadib fashil ku yimid Wada hadalo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya
Saraal sare oo la hadlay wargeyska maxalliga ah ee The Star ee ka soo baxa caasimadda Kenya ayaa waxa uu sheegay in dhismaha darbigaan uu muhiim uyahay amniga xuduudka
Isagoo tilmaamy in markii ay bilaabeen dhismaha darbiga ay wax weyn iska beddelay amniga magalaada Mandheera ee gobolka waqooyi n bari dalka Kenya .
Sanadkii 2015 dowladda Kenya waxay billowday dhismaha darbi dheer oo dhererkiisu dhan yahay 700Km oo laga dhisayo xadka uu gobolka waqooyi-bari la wadaago Soomaaliya
Kenya ayaa sababta darbigaan ay u dhisayso ku sheegay in ay kaga hortagayso weerarada kooxaha hubeysan ka fuliyaan gudaha Kenya
Waxaana ay intaasi ku dartay in darbiga ay ku xireyso kaamirooyinka qarsoon ee cctv si loola socdo dhaqdhaqaaqyada darbiga kasocda
Sanadkii 2011, Kenya waxay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan dagaalamayaasha al-Shabaab kadib markii dabley hubaysan ay qabteen dalxiisayaal ku sugnaa degaannada Xeebta ee gobolka waqooyi bari
Sanad kadib, ciidamada Kenya waxay ku biireen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto al-shabaab.
Kenya oo ay ka joogaan in ka badan 4,500 oo askari koonfurta Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay ka xoreyso dhowr magaalo oo ay ku jirto Kismaayo maleeshiyada.

