Kenya Oo ku Dhawaaqday In Ay Dib U Bilaayso Darbiga Ay Ka Dhisayso Xuduudka Soomaaliya Ay La Wadaagtoto

0

 

Dowladda Kenya ayaa shaacisay  inay dib u bilaabi doonto darbiga ay ka dhsayso xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya kaas oo la joojiyay sanad ka hor kadib fashil ku yimid Wada hadalo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya

Saraal sare  oo la hadlay wargeyska maxalliga ah ee The Star ee ka soo baxa caasimadda Kenya ayaa waxa uu sheegay in dhismaha darbigaan uu muhiim uyahay amniga xuduudka

Isagoo  tilmaamy in markii ay bilaabeen dhismaha darbiga ay wax weyn iska beddelay amniga magalaada  Mandheera ee gobolka waqooyi n bari dalka Kenya .

Sanadkii 2015 dowladda Kenya waxay billowday dhismaha darbi dheer oo dhererkiisu dhan yahay 700Km oo laga dhisayo xadka uu gobolka waqooyi-bari la wadaago  Soomaaliya

Kenya ayaa sababta darbigaan ay u dhisayso ku sheegay in ay kaga hortagayso weerarada kooxaha hubeysan ka fuliyaan gudaha Kenya

Waxaana ay intaasi ku dartay in darbiga ay ku xireyso kaamirooyinka qarsoon ee cctv si loola socdo dhaqdhaqaaqyada darbiga kasocda

Sanadkii 2011, Kenya waxay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan dagaalamayaasha  al-Shabaab kadib markii dabley hubaysan ay qabteen dalxiisayaal ku sugnaa degaannada Xeebta ee gobolka waqooyi bari

Sanad kadib, ciidamada Kenya waxay ku biireen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto al-shabaab.

Kenya oo ay ka joogaan in ka badan 4,500 oo askari koonfurta Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay ka xoreyso dhowr magaalo oo ay ku jirto Kismaayo maleeshiyada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here