Qarax Khasaare Geeystay Oo Maantay Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheerada ayaa kasoo baxaya qarax qasaaro kala duwan geystay oo maanta barqanimadii kadhacay  Dagmada kaxda ee gobolka banaadir islamarkaana waxaa qaraxaasi sida lasheegay  lala  eegtay  gaari nooca soomaalida utaqaan saarufka

Qarax ayaa sida lasheegay waxaa uu ahaa nooc miino oo sida lasheegay  ladhigay wadada dhinaceeda iyadoona lasoo sheegayo in gaariga lala eegtay ee saarufka ahaa uu saarnaa nin injineer ah iyo darawalkii gaariga kuwaday oo asna lasheegay in uu ahaa askari

Dad ka agdhawaa goobta qarax uu kadhacay ayaa waxaa ay sheeegeen in gaariga qaraxa lala eegtay ay kudhinteen injineeradii saarnaa iyo sidoo kale darawalkii gaariga waday oo lagu sheegay in uu ahaa askari

Sidoo kale qaraxaasi waxaa kudhawaacmay sida la sheegay haweeney mareysay goobta uu qarax kadhacay taas oo markii danbe loo qaaday goob caafimaad

Injineerada qaraxaasi kudhintay ayaa waxaa lasheegay in xiliga qaraxa lala eeganayay ay kusii socdeen guryo ay kawadeen dhismo kuwaas oo kuyaal degmadaasi kaxda

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa ay goobta kasameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

Sikastaba majirto cid weli sheegatay masuuliyada qaraxaani maanta lala eegtay injineerada wallow intabadan ay xusid mudan tahay in qaraxyada noocaan ookale ah ay masuuliyadoodu dusha uritaan dagaal yahaanada al shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here