Raiisul wasaaraha xil gaarsiinta xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xuseen rooble ayaa waxa la filayaa in dalka uu ugu ambaboxo safar dibada ah oo uu ku tagayo dalka sucuudiga
Ujeedka safarka raiisul wasaraha ayaa waxa lagu sheegay in uu doonayo in uu soo cumreysto maalamaha ugu dambeeya bisha barakeysan ee ramadaan
waxaana raiisul wasaaruhu uu tagi doonaa labada xaram ee barakeysan maka iyo madiina
intaasi kadib waxa la filayaa in raiisul wasaare rooble in uu gudaha dalka sucuudiga uu kulamo kula qaato madaxda ugu sareysa dalkaasi sacuudiga iyo dibloomaasiyeenta ku sugan sucuudiga
Raiisul wasaare rooble tan in iyo markii loo magacaabay xil raisul wasaaraha soomaaliya waxa uu safar ugu baxay laba dal oo carbeed kuwaasi oo kala ah dalalka qadar iyo kuweit
safarkaana waxa uu noqonayaa kiisii sadaxaad ,waxaana uu ku tagayaa dalka kale oo carbeed oo sucuudiga ah

