Ciidamo Ka Tirsan Amisom Oo Qaraxyo lagu la Eegtay jubbada Hoose

0

wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan  kuwa kenya oo howlgalo ku jiray qaraxyo lagu la  eegtay deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose ,waxaana la sheegay in weerarkaan uu ka dhshay qasaare kala duwan

Ciidamada kenya oo waday howlgalo miino baaris ah oo marayay inta udhexeysa deegaanada buur gaabo iyo kaambooni oo hoostaga gobolka juubada hoose ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday dagaal toos ah iyo qaraxyo iyadoona halkaasi uu  muddo ka socday dagaal xoogan

waxaana wararku ay xaqiijinayaan in dagaal uu yimid kadib markii dagaalamayaasha al-shabaab weerar kusoo qaadeen ciidamada kenya oo bsocdaal ku jiray

Al-shabaab ayaa sheegay masuuliyada weerarkaani waxaana ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada kenya

Al-shabaab warar ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen weerarkaasi iyo qaraxyadii barbar socday ay ku gubeen gaari cabdi bille ah islamarkaasna ay ku dileen afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda kenya

majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda kenya oo looga hadlayo weerarka lagu laayay ciidamadooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here