wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan kuwa kenya oo howlgalo ku jiray qaraxyo lagu la eegtay deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose ,waxaana la sheegay in weerarkaan uu ka dhshay qasaare kala duwan
Ciidamada kenya oo waday howlgalo miino baaris ah oo marayay inta udhexeysa deegaanada buur gaabo iyo kaambooni oo hoostaga gobolka juubada hoose ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday dagaal toos ah iyo qaraxyo iyadoona halkaasi uu muddo ka socday dagaal xoogan
waxaana wararku ay xaqiijinayaan in dagaal uu yimid kadib markii dagaalamayaasha al-shabaab weerar kusoo qaadeen ciidamada kenya oo bsocdaal ku jiray
Al-shabaab ayaa sheegay masuuliyada weerarkaani waxaana ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada kenya
Al-shabaab warar ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen weerarkaasi iyo qaraxyadii barbar socday ay ku gubeen gaari cabdi bille ah islamarkaasna ay ku dileen afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda kenya
majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda kenya oo looga hadlayo weerarka lagu laayay ciidamadooda

