Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo Qorsheysan waxa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay inta ciidamada dowladdu ay ku jireen in lagu Burburinayay Goobo ay dagaalamayaasha Alshabaab Ku lahaayeen shabeelaha hoose
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Degaanada Shaam-gare, Raqayle, Raydabley, Caanooley, Galoole, iyo Gumeysi diid, oo dhamaandood ka tirsan Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalada ay qeyb ka ahaayeen howlgalada isdaba jooga ah Ciidamada Xoogga Dalka ay Ka wadaan Gobalada Dalka

