Dowladda Mareeykanka Oo Soomaaliya Ku Dartay Dalaalka Madoow Ugu Khatarta Badan Dunida

0

Dowladda mareeykanka ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka madoow ee ugu halista badan caalamka

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxa ay Soomaaliya u aqoonstay mid ka mid ah dalalka  ugu qatarta badan Caalamka iyadoo u cuskatay colaadii iyo qalaalaasii ka dhacay magaalada muqdisho

Dowladda mareeykanka  ayaa waxaa mawaadiniinteeda uga digtay in ay usafraan Soomaaliya oo lagu daray wadamada madow ee ugu amniga xun dalalka caalamka

Sidookale warbixinta kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaalada amni ee kasoo koroortay Soomaaliya ay kordhisay weerara tooska ah iyo qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay  fulinayaan al-shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa  soo ka bashada amniga Soomaaliya ku bixisay lacag gaareeysa 5.3 bilyaan oo doolar

Waxaana xaalada muqdisho haatan ka jirta  ay khasaaro ka dhigtay dadaaladii iyo dhaaqaalihii lagu bixiyay  dhismaha ciidanka iyo sugida amaanka Soomaaliya

Dhankale war qoraal ah oo kasoo baxay waaxda maaliyada Mareykanka ayaa cunaqabateen kusoo rogay kadib hanjabaad uu dhawaanahaan kasoo saarayay xaalada colaadeed ee muqdisho

Waaxda ayaa shaaca ka qaaday in somaliya lagu daray dalaal la saaray cunaqabateynta dhanka dhaqaaalaha

Talaabada Mareykanka uu qaaday ee cuna qabateynta lagu saaray Soomaaliya waxa la tilmaamay in todobaadkaan gudihiisa ay soo bilaabatay

Waaxda maaliyada Mareykanka ayaa iyadu inta badan soo bandhigta dalaal cunaqabata lagu soo rogo  iyadoona u taagan ilaalinta dhaqaaha  dowladdaha Caalamka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here