Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Maanta Muqdisho lagu Soo Dhaweeyay

0

Madaxweynihii hore ee dalka sheikh Shariif sheikh axmed ayaa maantay dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa dalka dib dibadiisa

Madaxweyne sheikh shariif ayaa waxa si aad ah garoonka diyaaradaha aadan cade ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xisibiga himilo qaran oo uu hogaamiyo iyo xildhibaano ka tirsan dowladda

Intaasi kadib madaxweynihii hore ee dalka sheikh Shariif sheikh axmed ayaa loo galbiyay hoyga uu dhaawanka dagay muqdisho ee ku yaal xaafada mirinayo iyadoona la tilmaamay in halkaas uu kulan kula qaatay qaar ka mid ah midowga musharaxiinta

Wararka ayaa intaasi kubdaraya Madaxweyne sheikh shariif  uu xubnaha midowga musharaxiinta kala sheekeysanayo xaaladii ugu dambeeyay ee dalka iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha magaaalada caasimada ah ee muqdisho

Safarka uu ku yimid madaxweynihii hore ee dalka sheikh shariif sheikh axmed ayaa waxa uu imaanaya xili wali uu cakirantahay xaalada siyaasadeed ee dalka islamarkaasna ay dagaalo udhexeya ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo hor jeeda ay ka dheceen muqdisho

Iyadoo Sidaas oo ay tahana wali aan la gaarin go,aan rasmi ah oo ku aadan dhanka doorashada la filaya in ay dalka ka dhacdo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here