Waxaa xalay fiidkii rag hubeysan oo burcad ah ayaa wiil soomaaliyeed ku dileen gudaha magaalada Minneapolis ee cariga dalka mareeykanka
Muwaadinka soomaaliyeed ee ladilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray liibaan ,waxaana uu ka mid ahaa dad soomaaliyeed ee ku ganacsada gudaha wadanka mareykanka
Koox burcad ah oo hubeysan ayaa waxa la sheegay in xalay isaga oo iska shaqeeeysanaya ay ku dileen goobtiisa shaqo iyadoona la tilmamaay in wiilkaan soomaaliga ah rasaas lagu furay ay ka qabsatay qeybaha kore ee jirkiisa sidaasna uu ku geeriyooday
qaar ka mid ah muwaadiniinta soomaaliyed ee ku nool dalkaasi mareykanka gaar ahaana magaalada Minneapolis ayaa waxa ay xaqiijiiyeen geerida muwaadinka soomaaliyeed iyagoo sheegay in marka hore uu dhawac culus oo soo gaaray uu markii dambe u geeriyooday
kooxdii burcada aheyd ee weerarka ku dilay muwaadinka soomaaliyeed ayaa goobta iskaga baxsaday ,waxaana la sheegay in booliska ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay dilka wiilka soomaaliyeed
lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay marxuunka balse Wararka qaar ayaa sheegaya in koodu ay burcad aheyd oo ay doonayeen in ay dhac ugeystaan

