Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Lagu Dilay Xubno Al-Shabaab Ah Ka Fuliyay Shabeelaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo Sameeyay howlgalo Qoersheysan ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaasi  qasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaal Ka tirsanaa al-shabaab oo ku sugnaa tuulada ugunji oo hoostagta degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka ayaa sheegay in ay  ka warheen  in tuuladaasi ugunji ay joogaan xubno  katirsan al-shabaab kuwaasi oo janaale umaleegayay dhibaatooyin balse ciidanka ayaa sheegay in durbadiiba ay  kubaxeen waxaana halkaasi ay tilmaameen in ay ku dileen 11 xubnooda oo ika tirsana al-shabaab, iyadoo intaasi ku daraya in ay dhaawaceen 15-kale

sidookale ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in  halkaasi kugubeen gaari cabdibile ah oo uu saarnaa qori dhashiiko ah oo ay wateen al-shabaab Sida warbaahinta dowladda ay  usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee kusugan degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Saraakiisha ayaa intaasi kudaray inuu jiro qasaare intaasi kabadan oo ay gaarsiiyeen dagaalamayaahsa  al-shabaab balse ay dib kasoo sheegi doonaan

Waxaana warkasoo baxay dowladda lagu sheegay in ciidanka ay weli kujiraan hwolgalada  islamarkaasna ay  ku baadi goobayaan xubno ka tirsan  al-shabaab oo ka baxsaday sida ay sheegeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here