warar naga soo gaaraya duleedka magalaada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in daqiiqado ka hor uu qarax xoogan uu ka dhacay ex koontarool Afgooye
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa qarax miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa xarun ciidan
wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu si gaar ah ugu dhacay saldhiga ciidanka asluubta soomaaliyeed ee ku yaal inta u dhaxeysa ex koontarool afgooye iyo xaafada galmudug
dad goobjoogayaal ah ayaa simba u sheegay in ay arkayeen qiiq xoogan oo cirka qabsaday islamarkaasna aysan xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka muqdisho
wixii kusoo kordha hakaan kala soco

