Ciidamada Mucaaradka Oo Ku Hanjabay In Muqdisho Ay Qabsanayaan

0

Saraakiil ka tirsan ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhinta dowladda ayaa waxa ay sheegeen in 24 saac gudohood ay kuqabsanayaan madaxtooyada villa soomaaliya

Ciidamadaan ayaa waxa ay sheegeen in hada ay qabsadeen qeybo badan oo  ka mid ah muqdisho  islamarkaasna ay haatan ku wajahanyihiin halka dalka looga arimiyo

sarkaalka u hadlay ciidanka mucaaradka ayaa xusay in ay yihiin kuwo xaq udiriir ah

warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada careysan ee kasoo horjeeda dowladda ay dhufeysyo adag ka sameeysteen muqdisho

waxaana ay ku sheegeen goobaha ay heeystaan haatan ay ku jiraan isgoosyada dabka sayidla ilaa iyo howlwadaag

marba marka ka dambeeysa waxa cirka isku sii shareeraya xiisada u dhexeysa ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda

waxaana laga cabsi qabaa in markale uu dagaalkii la qaboojiyay uu ka bilowdo muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here