Qaramada Midoobe Oo WarKasoo Saartay Xaalada Dagaal Ee Soomaaliya

Qaramada Midoobe ayaa waxa ay ka deyrisay dagaalada ka bilowday caasimada dalka ee muqdisho ,waxaana ay labada dhinac ay ugu baaqday in ay isxakameeyaan
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in loo walwalsanyahay isku dhacayada hubeysan ee ka bilowday muqdisho
Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.
Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top