Saraakiil ka tirsan ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhinta dowladda ayaa waxa ay sheegeen in 24 saac gudohood ay kuqabsanayaan madaxtooyada villa soomaaliya
Ciidamadaan ayaa waxa ay sheegeen in hada ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah muqdisho islamarkaasna ay haatan ku wajahanyihiin halka dalka looga arimiyo
sarkaalka u hadlay ciidanka mucaaradka ayaa xusay in ay yihiin kuwo xaq udiriir ah
warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada careysan ee kasoo horjeeda dowladda ay dhufeysyo adag ka sameeysteen muqdisho
waxaana ay ku sheegeen goobaha ay heeystaan haatan ay ku jiraan isgoosyada dabka sayidla ilaa iyo howlwadaag
marba marka ka dambeeysa waxa cirka isku sii shareeraya xiisada u dhexeysa ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda
waxaana laga cabsi qabaa in markale uu dagaalkii la qaboojiyay uu ka bilowdo muqdisho

