Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dilay gudoomiyihii deegaanka leego ee goboklaga shabeelaha hoose
Waxa xalay qarax xooga gurigiisa loo galiyay gudoomihii deegaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose iyadoona waxyeelo kasoo gaaray uu qaraxaasi u geeriyooday
Gudoomiyaha la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray xasan gucdur ,waxaana lagu dilay degmada walaweyn oo uu mudooyinikii dambe uu ku sugnaa gudoomihala deegaanka leego ee xalay la dilay
Wararka naga soogaya degmada walaweyn ayaa waxa ay intaasi ku in qaraxaan uu ahaa mid geeystay qasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh
Inta la xaqiijiayay waxa qarax ka dhacay degmada walaweyne ku geeriyooday gudoomihii deegaanka leego iyo laba qof oo ehelo ay ahaayeen
Gudoomihii hore ee dseegaanka leego alcadaala ayaa idaacada simba u xaqiijiyay geerida gudoomiyaha deegaanka leego iyo qasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa lagu dilay
Waxaana uu dhamaan ehelada iyo shacabka deeganka leego uu uga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh eek u timid gudoomiyaha
Inta badan qaraxyada ka dhaca gobolka shabeelaha hoose ayaa lagu dilaa masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda
Waxaana jirtay in mudooyinkii dambe ay sii kordheysay halista laga la kulmayo wadooyinka qaar ee gpobolka shabeelaha hoose oo la sheegay in miinooyin lagu aaso

