Golaha Amaanka Qaramada Midoobe Oo War Cusub Kasoo Saaray Khilaafka Doorashada Soomaaliya

0

Xubnaha golaha amaanka qaramada midoobe ayaa waxa ay ka hadleen arimo badan oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee wali ka taagan arimaha doorashooyinka soomaaliya

Waxaana ay ka muujisay walaac xoogan iyadoo sheegtay in loo baahanyahay in lagu laabto miiska wada hadalada si xal looga gaaro ismarin waaga siyaadeed ee jira

Golaha amaanka  qaramada midoobe ayaa adkeyay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo hormarada ay ku talaabsatay soomaaliya xiliyadii lasoo dhaafay

Waxaana ay hogaamiyaasha mucaaradka iyo dowladda ay ugu baaqday in ay ka heshiiyaan arimaha doorashooyinka oo la qabto doorasho wada ogol ah

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada cakiran ee siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ee ku saabsan qaabka doorashada” ayaa lagu yiri bayaanka

 

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uusan kaliya baabi’in doonin horumarkan dadaalka badan lagu kasbaday laakiin uu sidoo kale ka weecinayo dhibaatooyinka culeyska leh sida daadadka, abaaraha, ayaxa ayaxa, aafada COVID-19, iyo la dagaalanka  Al-Shabaab”.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here