Warar ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xiisad dagaal maanta ay ka aloolsantahay deegaanka deefoow ee dhaca gobolka hiiraan
Waxaana la sheegay in laba beelood oo halkaasi wadada ay ishorfadhiyaan islamarkaasna laga cabdi qabo in ay dagaalamaan
Xiisadaan ayaa waxa ay timid kadib markii dadka deegaanka deefoow ay isku khilaafeen dhismo buundo deegaanka laga dhisayay ,waxaana arintaasi ay keentay in labada beelood ay kula qeybsamaan oo ay dagaal isku abaabulaan
Buundadaan ayaana waxa ay tahay ujeedka loo dhisayo in laga hortago fatahaada wabiga shabeele uu ka sameeyo deegaanada gobolka hiiraan
Qaar ka mid dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in walwal iyo cabsi xoogan ay soo food saartay oo ay ka baqayaan in labada beelood ay ku duldagaalamaaan ama halkaasi oo ka qarxo dagaal
Maamulka hirshabeele oo arintaan ay quseyso islamarkaasna la tilmaamay in dhismaha buundada uu canshuuray wali kama uusan hadlin beelaha maanta isku horfadhiya deegaanka deefoow
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka degmada feerfeer ay iyagu tageen goobta lagu muransanyahay islamarkaasna ay isku dayeen in ay xaliyaan arintaan balse ku ma aysan guuleeysan
Sikastaba xiisad colaad oo xoogan ayaa laga dareemaya gobolka hiiraan ,iyadoo laga baqdin qabo in dagaal halkaasi bilowdo

