Maxkamada ciidamada qalabka sida ee soomaliya ayaa maanta oo santi ah waxaa lagu wadaa in ay u fadhiisato dhageeysiga maxkamadeynta rag lagu soo eedeeyay dilka gudoomihii hore ee degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun
fadhiga maxkamada ee maanta waxa ka qeyb galaya eheladda marxuunta saraakiil ka tirsan maxkamada ciidamada iyo dadkale oo iyagu doonaya ka qeyb galka dhageysiga dacwada
Gudoomihii hore ee degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda xili habeen ah oo uu marayay isgooska howlwadaag ,waxaan axiligaasi ay tariikhdu ku beegneyd 21/1/2021
dowladda ayaa dhacdadaasi uu ku geeriyooday gudoomiyihii degmada hodan u xirtay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska degmooyinka gobolka banaadir iyo ciidamadii lagu tuhunsanaa in falkaani ay si ula kac ah ugeysteen
dacwada ayaa maanta la filaya in si rasmi ah ay u bilaabato iyo ehelada marxuunku ay dalbadeen in cadaalad laga siiyo dadkii ka dambeeyay dilka gudoomihii degmada hodan dhaga juun
Horay xer ilaalinta qaranka ayaa sheegtay in si kas ah loo dilay gudoomihii degmada hodan cabdiraxiin dhaga juun islamarkaasna dalbadan in la dadajiyo kiiska dacwada

